Shir looga hadlayey Amniga Muqdisho Oo Ka dhacay Saldhiga Deg,Hodan

Waxaa hadda shir ugu soo dhamaday Saldhiga Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho Taliyaasha Fadhiyada kala duwan ee uu hogaaminayey Taliye kuxigeenka Booliska Somalia Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi.

Waxaa shirkan oo qarsoodi ahaa joogay qaar ka mida Taliyaasha hogaanada kala duwan ee uu ka mid Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir Farxaan Qaroole,Taliyaha Daraawishta Abdullahi Mirre Siyaad, Taliyaha Birmadka Generaal Siyaad,Korneel Mohamed Daahir ,Korneel Yaasin Ganey, iyo Taliyaha Booliska Dagmada Hodan Bashiir Cabdi Durqun.

Kulankaan waxaa laga soo saaray go’aano culus oo kusaabsan Xaalada Muqdisho iyo Cakirnaanta Taagan.

Saraakiisha ayaa la Amray in caawa saqda dhexe weerar kii ugu dambeyay lagu qaado goobaha Fariisimaha u ah dhamaan goobaha ay fadhiyaan ciidamada diidan mudda kororsiga uu sameyay Farmaajo.

Labada dhinac magaalada waxaa aad looga daremayaa hub uruusi iyo diyaar garowga dagaal marwalba la filan karo in uu dhaco.

You might also like More from author