Shir looga hadlay Amniga oo ka dhacay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed Xajaar ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayay Amniga, kaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka socotay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, maamulka Gobolka Banaadir, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed, Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay wada shaqaynta hay’adaha kala duwan ee qaybta ka ah bixinta adeegyada dokumentiyada lagu dhoofo iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortagga been abuurka Dokumentiyada lagu codsado Baasaboorka iyo kuwa safarka.

Sidoo kale shirka ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa amniga dalka inta ay socdaan howlaha Doorashada.

You might also like More from author