Shir lagu heshiisiinayo Beelo dagaalamay oo ka furmay B/weyne

Waxaa maanta Magaalada baladweyne ka furmay Shir Lagu heshiisiinyo Laba Beelood oo Walalaha iyadoo Shirkaan uu furay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Hir-shabeelle Siraaji Sheikh Isaaq.

Kulankaan waxaa kaqeyb galay Odayaasha dhaqanka iyo Waxgardka labada beelood,Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Hirshabelle.

Sidoo kale Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim, Wasiiru Dowlaha Cadaalada Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid & Sanatar Cismaan Axmed Macow ayaa goob joog ka ahaa shirkaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay joojinta dhiiga la daadinayo oo miiska wada hadalka wax walbo lagu dhameeyo.

Waan waan ayaa socotay labadii cisho lasoo dhaafay si loo kala dab qaado dhinacyada beeleedka dagaalamay,iyadoo lagu rajo weyn yahay beelaha diriray inay ka heshiiyaan dagaalka.

You might also like More from author