Shir ka furmay Dhuuso mareeb Oo looga hadlayo Amaanka Guud

Shirkaan ay ka qeyb galeen saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayna goob joog ka ahaayeen Mas’uuliyiin katirsan Galmudug ayaa maanta waxa uu ka furmay Dhuuso mareeb.

Kulankaan uu ka qeyb galay Taliyaha Qeybta 21-aad Xoogga Dalka ayaa ku dhiir geliyey saraakiisha inay ka shaqeeyaan sugida Amaanka.

General Maxamed Cadoow Cali Sanka, ayaa shirkaan ka sheegay in muhiim tahay Amaanka Caasimada Galmudug iyo deegaanada ku xeeran in laga wada  qayb galo Amaanka.

Saraakiisha kale ee Talisyada laamaha amniga iyo Maamulka Dhuusamareeb,oo shirka kusugnaa ayaa la faray inay diirada saaraan dardar galinta howlaha amaanka iyo kordhinta feejignaanta Ciidanka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Al Shabaab ayaa mararka qaar weeraro ka fuliya Deegaanada ku dhaw Dhuuso mareeb iyagoo dhowr jeer madaafiic ku garaacay garoonka diyaaradaha Magaaladaasi.

You might also like More from author