Shir Gaar ah Ay Yeesheen Gudoomiye Mursal & Madaxweyne Lafta gareen

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen waxaana kulanka qeyb ka ahaa wasiiro ka tirsan xukumadda Soomaaliya iyo koonfur-galbeed.

Kulankaan ayaa dhacay ka hor shirka Berri Baarlamaanka leeyihiin oo shaki badan abuurtay,arimaha doorashada ayaana lagu falanqeeyey.

Wasiirada iyo Xubnaha kale ee shirka ka qeyb galay  ayaa sheegay in aan  laga hadlin wax dhaafsiisan xal ka gaarista doorashada iyo sida looga gudbi karo khilaafka jira.

In Mursal & Lafta gareen kulmaan ayaa ka dhigan Nabad iyo Nolol Ka shirtay muddo kordhinta berri loo ballansan yahay.

166761747 3975416972510108 2000475891671533657 N

166946573 3975416902510115 2675353297575532746 N

166956035 3975417029176769 3244405879216797923 N

167165024 3975416885843450 7612682180421390632 N

167343630 3975417045843434 590168197244308266 N

167607661 3975416962510109 8881514818951669702 N

You might also like More from author