Shir deg deg ah oo la isugu yeeray Xamlooyinka u adeega Xujeyda

Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta (XFS) ayaa shir deg deg ah isugu yeertay Masuuliyiinta ugu saraysa Xamlooyinka u adeega Xujeyda Soomaliyeed.

Shirkaan ayaa waxa uu ku dhacay Xarunta Bicidsada ee Magaladda Makka Al-mukarama ee dalka sacuudiga shirka ayaa looga hadlay u diyaarowga Xajka oo bilaabenaya 8shibaan Dulxijja ee Sanadkan 1440 Hijriga ah.

Shirkan ayaa laysku raacay in sida ugu wanaagsan loogu adeego Xujeyda soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa ku dadaalaysa in sanadkan uu uga duwanaado Xujeyda adeegyadii ay heli jireen sanadihii hore madama ay gacanta ku heyso guud ahaan Maamulka Arrimaha Xajka Soomaaliyeed.

You might also like More from author