Shiinaha oo mamnuucay in qofka Cunto ka badan Calooshiisa Qaato

Shiinaha ayaa meelmariyey sharci dhigaya in aan qofna maqaayadaha ka dalban karin cunto ka badan qaadkiisa, si looga hortago qashinka cuntada.

Sharcigan oo dhaqan galay usbuucii lasoo dhaafay, waxa uu qayb ka ahaa ololaha cidhibtirka qashinka, oo madaxweynaha dalkaasi Xi Jinping uu sheegay in uu dhibaato badan ku hayo dalkiisa.

Durbadiiba meheradaha qaar ayaa bilaabay hirgelinta sharcigan, iyagoo qofka miisaan saaraya kahor inta aanu dalban cunto, si loo hubiyo inta uu cuni karo ee qaadkiisa ah.

You might also like More from author