Shiinaha oo Dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Hub iyo Gaadiid

Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya ugu deeqday Hub iyo gaadiid, kaasi oo loogu talagalalay in ay ka caawiyaan Dowladda ka dagaalanka Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Madax ka socotay Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Wasiirro, Taliyaha Ciidamada Xoogga, safiirka Shiinaha ee Soomaaliya iyo xubno kale ayaa qeybgalay xaflad ka dhacday xarunta Dekedda Muqdisho oo lagula wareegayay qalabka mileteri oo ay ku deeqday dowladda Shiinahda.

Agabkaasi ciidan oo ka koobnaa gaadiid iyo agab  oo kale ayaa waxaa la wareegay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka.

You might also like More from author