Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxa caawa lagu dilay allaah u naxriistii Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, kaasi oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

“Waxaan si adag u cambaaraynaya qaraxa lagu dilay allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, waa fal waxashnima ah.waxaan guud ahaan uga tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Qoyska marxuumadda, waa geeri na wada taabatay.”ayuu yiri Shiikh Shariif

Shiikh Shariif ayaa hay’addaha ammaanka ugu baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo cida ka dambeysay qaraxa lagu dilay xildhibaan Aamino

“Waxaan hey’adaha Amniga ugu baaqayaa in baaritaan lagu sameeyo sida qaraxa dhacay, waxaan markale u jeedinayaa ciidanka Amniga in ay feejignaantooda kor u qaadaan.”ayuu markale yiri Shiikh Shariif