Sheekh Shariif oo kulan looga hadlayay doorashooyinka la qaatay Safiir Larry’ Andre.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu maanta xarunta Safaaradda dowladda Mareykanka ( USA ) kulan kula qaatay Safiirka cusub Mudane Larry’ Andre.

Sheekh Shariif iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, dhameystirka doorashooyinka caqabadaha hortaagan iyo Amniga, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa dhankiisa ugu mahad celiyay taageerada dowladda Mareykanka ( USA ) ku bixiso dhismaha nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu yiri ““Waxaan maanta xarunta Safaaradda dowladda Mareykanka ( USA ) kula kulmay Safiirka cusub Mudane Larry’ Andre, Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, dhameystirka doorashooyinka caqabadaha hortaagan iyo Amniga, Waxaan uga mahad celiyay taageerada dowladda Mareykanka ( USA ) ku bixiso dhismaha nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.”

You might also like More from author