Sheekh Shaakir oo amar siiyey Ciidamada Maamulka Galmudug

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in muhiimada koowaad ee Maamulka Galmudug uu yahay sugida amniga,isla markaana Ciidamada Maamulka Galmudug ay waajibkooda gudan doonaan.

Kadib kulankii Golaha Wasiirada Galmudug ee shalay lagu qabtay Dhuusamareeb ayuu sheegay in heshiiskii Jabuuti ee midowgii Ahlusuna iyo Galmudug ay gaareen go’aano kaalin weyn ka qaatay sugida amniga,isla markaana ay hirgashay siyaasada Galmudug.

Ciidamada Dowlad goboleedka Galmudug ayuu ku amray inay qaadaan tallaabo ku saabsan dhinaca amniga,isla markaana ay ka hortagaan cid kasta oo lidi ku ah amniga deegaanada Maamulka Galmudug.

You might also like More from author