Sheekh Cabdi Maxamed oo ku guuleystay doorashada Baarlamaanka Jubaland

Magaalada Kismaayo waxaa lagu soo gaba gabeeyay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed C/Raxmaan oo horay kursigan ugu fadhiyay ayaa ku guuleystay,waxaana uu helay 55 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Waxaa kaliya la tartamay hal musharrax kaas oo lagu magacaabo Xuseen Shiinow Cali oo isaguna helay 18 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in uusan jirin cod xumaaday islamarkaaan 73 xildhibaan ee codeysay ay codadkooda saxmeen sidaasna Guddoomiyaha kula wareegay kursigii uu afartii sano ee ugu dambeysya ku fadhiyay.

Waxaa xigi doonta doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Jubaland.

You might also like More from author