Shaqaalaha Xafiiska R. Wasaaraha oo ka cabanaya Xoghayaha joogtada!
Shaqaalaha Xafiiska R. Wasaaraha oo ka cabanaya Xoghayaha joogtada!
Qaar ka mida shaqaalaha sare ee xafiiska Raysal wasaaraha ayaa ka cabanaya Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Maxamed Ibraahim Nuur kaasoo xilkan ku magacaaban muddo ka yar 2 bilood.
Shaqaalaha ayaa sidoo kale ku sifeeyey xoghayaha joogtada inay ka muuqato khibrad la’aan dhanka maamulka Dowliga ah, isla weyni iyo af-xumo dhanka la tacaamulka shaqaalaha iyo weliba dadka kale ee xafiiska uga baahda adeegyada dowliga ah.
Xogtan oo ay oo soo gudbiyeen qaar ka mida shaqaalaha ayaa sheegeysa in Xoghayaha joogtadu uu Waaxda shaqada iyo shaqaalaha Xafiiska RW u xilsaaray qof aan kala garaneyn mudnaanta shaqaalaha, taasoo sababtay inuu kula dhaqmo Eex iyo Sadbursi iyo awood sheegasho.
Agaasinka kmg ah ee waaxda shaqada iyo shaqaalaha ayaa Gunnooyinkii ka jaray shaqaalaha hoose qaar oo xafiiska in muddo ka soo shaqeynayay, halka kuwo kalena uu isaga ka mid yahay uu u qoray lacago badan si qof jecleysi ah, waxayna arrintaasi ka hor imaaneysaa sharciga shaqaalaha rayidka ee dhowrista xaquuqda shaqaalaha, waxayna jebineysaa qodobka sheegaya in shaqaale kasta oo dowladda laga jari karin ama lagu takrifali karin Gunnadiisa iyadoo aan loo marin sifo sharci ah.
Cabashada shaqaalaha ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah in Xoghayuhu uu sidoo kale u xilsaaray sameynta aqoonsiga shaqada (ID Cards), Waaxda shaqada iyo shaqaalaha oo aan aqoon u laheyn qaabka bixinta Aqoonsiyada taasina ay keentay is qabqabsi iyo caqabad waxaana aad u cabanaya shaqaalaha aan rasmiga aheyn sida la-taliyeyaasha iyo xafiiska Bii’ada oo hoos yimaada xafiiska Raiisul Wasaaraha, oo ilaa hada taagan taasoo aan weligeed ka dhicin xafiisyada Dowladda ayna tahay maamul xumo iyo nidaam darro aan sharciga waafaqsaneyn, shaqaalaha qaar ayaa ku andacoonaya in ay iyagu xaq u leeyihiin agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha balse xaqooda la duudsiiyey isla markaana loo baahan yahay in Raysal Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Xuseen Rooble, uu wax ka qabto dhibaatooyinka ka jira xafiiskiisa.