Shan Suaalood oo aan Musharax Odowaa weeydiiyey?

Shan Suaalood oo aan Musharax Odowaa weeydiiyey?

Shan Suaalood oo aan Musharax Odowaa weeydiiyey?

Suaal: Waxaad tahay Musharax Galmudug u Sharaxan sidda muuqatana Waxaad la tartameeysaa Musharixiin badan Maxaad kaga duwan tahay musharixiintaas??

Jawaab: Waxaan ahey Shaqsi isku waddi karra Danaha Galmudug mideyn karra Shacabkaas kuna hogaamin karra Dib u heshiisiin dhab ah iyo Horumar lagu kalsoonaan karro intaas ayaan kaga duwanahey Galmudug Musharixiinta u taagan..

Suaal: Yaa ku watta adiga? Ma Dowladda, Ma Xisbiyo kale Mise Shaqsiyaad dano ka leh Galmudug??

Jawaab: Aniga Ciddi ima wadato Cidna ma watto Waxaan ahey Shaqsi Madax Banaan oo u Sharaxan Galmudug loo dhan yahey oo Dastuurka Dalka iyo Sharuucda Dowladnimo Tixgalisa isla markaana Hormuud ka noqota Dowladnimadda iyo Hiigsiga Umadda..

Suaal: Galmudug Waxaa la Aaminsan yahey in Dowladda iyo Mucaaradkeedu isku hayaan Seed intaasba u hogaamin kartaa??

Jawaab:: Galmudug Waxaa degan beelo kala duwan oo Soomaali oo dhan ka kooban aragtidooda iyo rabitaankooda ayaan Galmudug ku hogaaminaaya Galmudug Xasarad iyo Xasilooni darro Dalka u horseeda ma dhici doonto..

Waxaan isku wadi doonaa danaha iska soo horjeeda Waxaana mideyn doonaa Afkaaraha kala duwan Dowladnimadda iyo hormarkeedana waan xoojin doona..

Suaal: Yaad Madaxweyne ku xigeen u wadataa???

Jawaab: Cidna Xildhibaanadda Galmudug ayaa dooran doona Shaqsiga aay rabaan laakiin anigu hadda cidna ma watto..

Suaal: Waxa kuugu muhiimsan oo aad wax ka qaban doontid waa maxey?

Jawaab: Waxaan ka shaqeyn doonaa is dhexgal Bulshadda Galmudug, Dhisidda kaabayaasha dhaqaale,adkeynta Amniga Maamulka iyo xoojinta Xiriirka Maamulka iyo Dowladda Dhexe

Seed u aragtaan Jawaabahaan.

You might also like More from author