Shan Hey’adood oo gudan waayey waajibkii loo dhiibay (Xishoodkii miyaa dhamaaday mise Dhigga Shacabka ayaad quudataan)

Laba Asbuuc gudahood waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay laba qarax oo saameyn xoog leh yeeshay.

Midkii koowaad waxaa lala eegtay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku dhintay dad kor u dhaafayo ilaa 358 qof halka dhaawacanala uu intaas kusoo dhawaanayo.

Shalay Gelinkii dambe ayaa midkii labaad lagu dhuftay Hotel Naasa Hablood II, kadibna gudaha ayaa loo galay laguna dilay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Shacab ku sugnaa halkaas iyo kuwa marayey jidka.

Haddaba, waxaa is waydiin mudan sababta keentay ilaa iyo hadda inaan si dhab ah la iskula xisaabtamin isla markaasna aan wax la iska weydiin cidda qaadeyso mas’uuliyadaas.

Way iska cadahay cidda ay tahay inay qaadato mas’uuliyadda amni , mid Ciidan iyo mid nabadsugid, waxaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay qaado tallaabo cad haddii la doonayo in la badbaadiyo Dhigga Shacabka Soomaaliyeed.

Liiska Shan Hey’adood oo gudan waayey waajibkii loo dhiibay Maadaama amniga lagu fashilmay, waxaana halkaan idin kula wadaagayaan Shan Hey’adood oo shaqadooda gudan waayey ayna tahay in si deg deg ah xilka looga qaado:

1) Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka NISA (C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)): Mas’uuliyadda ugu weyn ee Dhibaatada ka socoto Xamar, waxaa qaadayo Taliyaha Nabadsugidda, maadaama laga rabay inay keenaan xog iyo warbixino ku saabsan qaraxyada, meesha lagu soo sameeyo, halka ay soo maraan iyo weliba ugu yaraan in la fashiliyo marka ay soo dhawaato meesha lagu qarxin rabo, waxaana loo baahan yahay inuu xilka isaga tago isla markaasna uu garto inuusan qaadi karin Mas’uuliyadda Shacabka Soomaaliyeed.

2) Wasiirka Amniga (Maxamed Abuukar Ducaale (Islow)): Su’aal la’aan waa inuu islow isaga tagaa xilkaas ama laga qaadaa, Sababtoo ah Wasiirka Amniga isagoo ah ayuu isaga mashquulsan yahay Dalxiis, wuxuuna Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u raacay dhawr safar oo debadda ah, waxaana la is waydiinayaa inuu yahay Wasiirka Amniga iyo inuu yahay Xoghayaha Ra’isulwasaare Kheyre, uma qalmo inuu xilkaas sii hayo sababtoo ah kama soo bixi karo waajibaadka laga rabo, waana nin ay u cadahay inuu iska dalxiiso kana qeybgalo shirarka ay dowladda qeyb ka tahay, sidaas darteed waa inuu is casilaa ama la casilaa.

3) Taliyaha Ciidamada Booliska (Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid): Ma jirto Shaqo Boolis oo ka socoto Muqdisho, mana la arko doorkii ay lahaayeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaana arrintaas sabab u ah Taliyaha Ciidamada Booliska oo aan wax xil ah iska saarin sugidda Amniga, sidaas darteed Saacid waa in meesha laga saaraa, ama uu isaga iska baxaa oo uu garto inuusan badbaadin karin Shacabka Soomaaliyeed ee dilka ku wada xukuman.

4) Taliyaha Nabad sugidda Gobolka Banaadir (Saadaq Cumar Xasan): Marka laga soo tago Sanbaloolshe, waxay mas’uuliyadda ugu weyn ee amniga Muqdisho ku dhaceysaa Taliyaha Nabad sugidda Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo xilkaas loo dhiibay 8 May 2018, kaasoo ilaa hadda wax kusoo kordhin waayey Amniga Muqdisho inay wax halaabaan maahane, sidaas darteed Mudane ka dag xilka ama halagaa dajiyo.

5) Madaxa Qeybta Sirdoonka NISA: (Zakariye Ismaaciil): Waxaa wax lala yaabo ah in Sirdoonka Soomaaliya gacanta loo geliyo Zakariye oo horey usoo noqday Madaxa Sirdoonka Al­Shabaab oo ah kooxda qaraxyada ka fulineyso Muqdisho, kaba soo tag in xilkaas loo dhiibay, ma muuqato wax uu kusoo kordhiyey Sirdoonka Soomaaliya, wax uu haleeyey maahane, waxaana muuqato inaysan jirin sirdoon ka shaqeeyo Muqdisho, maadaama ay awoodi waayeen inay soo sheegaan gawaarida Muqdisho isku qarxineyso, Kooxaha dilka geysanayo, Xubnaha Shabaab ee Muqdisho ku sugan, waxaana Muqdisho looga been sheegay Magacii (Sirdoon) oo loo fahmay kaliya inay tahay dhar la xirto iyo Magaalada oo lagu maro.

Sirdoonka shaqada ugu badan ee laga rabo waa inay keenaan Warbixin, xog, kadibna la falanqeeyo lagana soo saaro natiijo bisil oo wax ku ool ah iyo ficil, sidaas Darteed Mudane Zakariye ma mudnid inaad hoggaamiso Sirdoonka Soomaaliya Fadlan xilkaan ka tag ka hor inta aanan laguu imaan oo xilka lagaa qaadin.

5) Taliyihii Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir (Jen, Axmed Xasan Maalin): Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) ayaa 13 April xilkaan u magacaabay, maadaama Mas’uulkii isaga soo magacaabay waxqabad laga waayey ilama ahan inuu isaga wax qaban karo, ilaa waqtigaasna ma jirto Ciidamo Boolis ah oo Shaqadii rasmiga aheyd ka qabanayo Muqdisho, sidaas darteed waa inuu meesha isaga tagaa ama si qasab ah xilka looga qaadaa.

Maxaa lagu gartaa Mas’uulka Daacadda ah?

Mas’uul kasta oo daacad u ah Xilkiisa iyo inuu Shacabkiisa u adeego waxaa lagu gartaa inuu sida dhabta ah u wajaho xaaladda marka uu ku fashilmo inuu shaqadiisa kasoo baxo.

Haddii uu qofka Mas’uulka ah qaban waayo shaqadii loo dhiibtay, waa inuu isku arkaa inuu yahay qof Shaqadiisa kasoo bixi waayey isla markaasna ay jiraan dad kale oo booskaas qaban karo.

Mas’uuliyiintaan Shanta Hey’adood ee aan kor kusoo xusay waa inay gartaan inay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ay u qaban waayeen shaqadii ay u hayeen, sidaas darteed haddii ay Daacad ahaayeen oo aysan xilkaas dano kale ka wadan waa inay is casilaan iydoo aan xilka laga qaadin, maadaama Dhiigga Shacabka Muqdisho uu dhulka ku da’ayo, illinta ay ka socoto guud ahaan Bulshada ku nool Muqdisho.

Maxaa Xal ah?

Waxaa Muuqato dhammaan Shantaan hey’adood ee aan kor usoo xusay inaysan midkood qaban shaqadii loo igmaday sida laga dareemayo Amniga Muqdisho. Haddii aysan sidaas dhicin (inay Shaqadooda kasoo baxaan) aysana hadda soo socon maxay tahay sababta ay xilka usii heenayaan, Xishoodkii miyaa dhamaaday mise dhiigga Shacabka Soomaaliyeed ayey quutaan ?

Ugu dambeyntii waxaan filayaa inay baaqaan arki doonaan madaxda Dowladda Soomaaliya isla markaasna sida ugu dhaqsiyaha badan xilka looga qaadi doonaa lana keeni doono kuwa xilkooda guto, Dalxiis rabin, Lacag rabin, Shabaab Xiriir la laheyn, isla markaasna doonayo inay Taariikhda Soomaaliya baal Dahab ka galaan.

W/D: Cabdirizaak Muuse Biixi

Email: [email protected]

You might also like More from author