Shacabka Muqdisho oo ka cabanaya Diyaarado Xilliyada habeenkii guuxa

Diyaarado aan la arag oo guuxooda aad u sareeyo ayaa habeenadii la soo dhaafay dul heehaabayay hawada Muqdisho, iyadoo jahwareer iyo hurdo la’aan ku riday dadka reer Muqdisho.

Diyaaradahan oo la rumeysan yahay inay yihiin AC-130 ayay dadka Muqdisho iyo kuwo ku nool gobolada ay aad u garanayaan, waxaana la bartay xilliyadii dagaaladii Maxaakimta iyo isbaheysigii la oran jiray Argagixiso la dirirka 10-sano ka hor.

Inkastoo sanadihii u dambeeyay la waayay diyaaradahan iyo guuxooda, ayaa waxay dadka is weydiinayaan sababta ay xilligan u soo bilowdeen in habeen walba iyagoo joog aad u hooseeya ku duulaya ay dul maraan hawada Muqdisho.

Inta u dhaxeysa 8-da fiidnimo illaa saqdii dhexe ee habeenkii ayay diyaaradahan dul heehaabaan, lama arko wax leydh ama iftiin ka baxaya, marka ay dul wareegeyso hawada.

Saqafyada sare ee guryaha ayaa aad looga dareemaa guuxa diyaarada, taasoo dad badan ay la yaabeen in saqafyada qaar ee guryaha uu mar qura wada gariiro, marka diyaarada guuxeyso.

Qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaaka hadlaya dhibaatada ay ku qabaa Guuxa Diyaaradan jahwareerisay dadka reer Muqdisho.

Inkastoo Dowladda Somaliya wali aysan awood buuxda u yeelan Koontaroolka Hawada Somaliya iyo Diyaaradaha Sharci la’aanta isaga mara, ayaa haddana waxaa muhiim ah in Dowladda ay dabagal ku sameyso Diyaaradaha Guuxooda wareeriyay dadkareer Muqdisho ee Magalada dul heehaaba.

Inta ugu badan Bulshada ayaa aaminsan Diyaaradaha ku dul wareegaya Magaalada gudaheeda inay yihiin kuwa leh dano sidoo kalena Magaalada guri guri u duubta.

You might also like More from author