Shabaab oo Jilib ku soo bandhigay Xasan Khayre oo isku dhiibay

Ururka Al-Shabaab ayaa Degmada Jillib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland, kaasi oo ay tilmaameen inuu garowsaday inuu ku biiro Shabaab.

Xasan Khayre Xuseen ayay Shabaabku ku sheegeen magaca ninkan, waxayna Shabaabka tilmaameen in sarkaalkan uu Jubbaland ka tirsanaa muddo sanad ah, kana mid ahaa ciidanka ku soo tababartay dalka dibaddiisa.

Waxay tilmaameen Shabaabka, sarkaalkan xilliga uu isa soo dhiibayay inuu watay Qorigiisa, kaasi oo uu ugu shaqeynaayay maamulka Jubbaland, balse wixii hada ka dambeeya uu isku dhiibay Shabaab.

Wareysi uu bixiyay ninka is dhiibay ayaa wuxuu ku sheegay sababo kala duwan amuurta ka dambeysay is dhiibitaankiisa, waxaynta gunta hadalkiisa aheyd in dhibaatooyin kala duwan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenyan-ka ay ku hayaan Shacabka.

Shabaab sidan oo kale ayay horey ugu soo bandhigeen degaanada ay ka taliyaan rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidanka Jubbaland, oo isku dhiibay dhankooda.

Todobaadkii hore Ciidanka Nabad Sugidda maamulka Jubbaland ayaa Gobolka Gedo waxa ay ku soo bandhigeen nin ay sheegeen inuu ka soo goostay ururka Al-shabaab.

You might also like More from author