Shabaab badan oo laga siidayay xabsiga dhuusamareeb

Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb uga dhawaaqay in uu xilkii iska casilay Taliyihii ciidanka Booliiska Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb, isagoo sababeeyey is-casilaadiisa.

Dhamme Burhaan Axmed oo horay uga tirsanaa saraakiishii Ahlu-Sunna ee dowladda federaalka ku biiray ayaa xlkaas loo magacaabay 22-kii bishii Febraayo ee sanadkan, balse haatan ayuu isku casilay faragelin uu ka tirsanayo saraakiisha ka sareysa ee booliska Soomaaliya.

Sarkaalkan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in faragelin cad lagu sameeyay shaqadiisa, isla markaana dad lagu eedeyey Shabaabnimo oo ku xirnaa saldhigga Dhuusamareeb oo baaritaano ku socdaan laba jeer laga fakiyey.

”Waxaa xabsiga Dhuusamareeb laga daayay laba qofood oo yimid magaalada lagana shakiyay, sidaasina lagu xiray, balse iyada oo baaritaano ku socdaan ayaa xabsiga laga sii daayay iyada oo la ii gacan dhaafayo, waxaa ka mid ahaa raga laga sii daayey xabsiga nin loo xiray tuhun ah in uu ka tirsanyahay Al-Shabaab baaritaanadiisu ay meel fiican marayeen, waxaana ninkaas markii lasii daayey loo fakiyey dhanka Cadaado” ayuu yiri Taliyaha is-casilay ee booliska magaalada Dhuusamareeb.

You might also like More from author