Sawirro:Xaaf Oo booqasho ku tagay Dagmadda Hobyo Ee Gobolka Galgaduud
Madaxweynaha D.G Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta waxa uu booqasho ku tagay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada Hobyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galayay shirka ka socda Magalada Hobyo.
Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxa uuna inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada