SAWIRRO: Xildhibaankii Faqiirka ahaa oo Gaari helay!

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa gaari guddoonsiiyay Xildhibaanka ugu da’da yar Kenya sidoo kalena ah Nin sabool ah.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo John Paul Mwirigi, islamarkaana ah Xildhibaanka ugu da’da yar Baarlamaanka dalka Kenya ayaa Gaari ka guddoomay Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo uu Xisbigiisa ka tirsanyahay.

John Paul Mwirigi oo 23 jir ah,ayaa laga soo doortay Gobolka Meru,gaar ahaan degaanka  Igembe,waxaana uu ololaha doorashadiisa ku galay lugtiisa isaga oo aan heysan Lacag uu ololaha ku galo.

Waxaa uu tagayay Guryaha dadka degaankaas,isaga oo albaabada u garaacayay kana codsanayay in ay codkooda siiyaan,waxaana uu ka guuleystay dad ku dhow 6 Musharrax oo qaarkood heystay lacago farabadan.

Dadka degaanka ayaa la weydiiyay sababta ay u doorteen waxaana ay ku doodeen in ay doonanayaan XIldhibaan baahidooda yaqaanna oo faqiir ah,kuwo taajirka ahna ay maalinkaas ugu dambeyso.

Dadka degaanka laga soo doortay iyo guud ahaan Kenyaanka ayaa hadal haya arrintan,waxaana ay si weydiinayaan waliba halka uu ka keeni doono ilaalo iyo Gaarigii uu ku qaadi lahaa?

You might also like More from author