Sawirro Laga Helay C/rashiid Janan Oo Ku wajahan Beled xaawo

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqanao (Janan) ayaa laga helay Sawirradii ugu horeeyey xilli laga sugayo Beled xaawo saacadaha soo socda gaaraan.

Waxa la sheegay in ay udiyaar garoobeen isaga iyo ciidankiisa usoo dhaqaaqida Buula xaawo,waxaana socda qaban qaabo xoog leh oo lagu soo dhaweenayo.

Axmed Madoobe ayaa Saaka Xilka ka xayuubiyey C/rashiid Janan oo ku magacaabnaa Xilka Wasiirkii Amniga Dawlad Gobolleedka Jubbaland.

Masjidkaasi oo dhismihii ka socday istaagay ayaa kuyaalla Tuulada Najax oo Hoos timaado Degmada Belad xaawo,isagoo ballan qaaday in uu ka qeyb qaadanayo dhisida Masjidkaasi.

Culimada iyo dadka deegaankaasi ayuu la kulmay saacado ka hor isagoo sheegay in wixii awoodooda dhaqaale uu ku taageeri doono.

Ciidanka Janan l asocda oo hubka kala duwan wata ayaa sawirka laga dhex arki karaa,xilli Dawlada Federaalka wafdi ka socda Beled xaawo isku arki doonaan.

Jubbaland State ayaa umuuqata mid gacanteeda ka baxday Gobolka Gedo,iyadoo Axmed Madoobe oo weli khilaaf siyaasi isku hayaan Farmaajo ay ku adkaan doonto cid kale oo Gedo uga dagaalanta kadib Janan oo garabkiisa ka baxay.

You might also like More from author