Sawirro:- Khasaaraha ka dhashay qaraxa saakay ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa loo adeegsaday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa oo saakay ka dhacay albaabka dugsi sare ee Banaadir.

Sawirada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya burburka dhismayaasha goobta ka agdhawaa, waxaa dumay guryo badan, waxaana jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in 3 qof ay ku dhinteen qaraxa, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaaawacmeen.

Ma jiraan weli faahfaahin oo ay bixiyeen Booliska Soomaaliya.

You might also like More from author