SAWIRRO: Fariisimo Shabaab ka soo abaabuli jireen Qaraxyo & Weeraro oo la Burburiyay

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ee ka hawlgala Gobolka Shabellaha hoose, ayaa weerar ku qaaday fariisin ciidamada Ururka Al Shabaab ay ku lahaayeen deegaano hoostagga Magaalada Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose.

Ciidamada ayaa weeraray deegaanka Mushaani oo ku dhaw Magaalada Janaale, waxaana halkaasi dagaal uu ku dhexmaray Ciidanka Xoogga dalka iyo Xoogag ka tirsan Shabaab.

Taliyaha Ururka 26 Guutada  Sadexaad ee Ciidamada Xoogga Dalka G/Sare Xasan Maxamed Abuukar Xasan Jaamici oo hawlgalkaasi hoggaaminaayay, ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay burburiyeen Saldhigii Shabaab ay ku lahaayeen deegaankaasi.

Wuxuu sheegay Shabaab inay gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii ay beegsadeen fariisinkooda, dhanka ciidanka Xoogga dalkana uusan soo gaarin wax khasaare ah.

‘’Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya waxa ay Burburiyeen fariisimaha Cadowga Al-Shabaab ay ku lahaayeen Shabellaha Hoose gaar ahaan Deegaanda Mushaani iyo Janaale Cadowga Al-shabaab Goobahaasi waxa ay ku dhibaateen Jireen Dadka shacabka.’’ Ayuu yiri Xasan Jaamici.

‘’Intii Ciidamada Geesiyaasha ay ku Jireen Hawlgalka waxaan halkaasi kula Kulanay Dagaal Naf la caari ah oo Nabadiidka ay ku soo qaadeen Ciidamada waxaana Halkaasi Al-shabaab looga Dilay Tiro ka Tirsan Nabadiidka Al-shabaab.’’

Al Shabaab ayaa Saldhigyo waaweyn ku leh deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose oo ay ka soo abaabulaan weerarada ka dhanka ah ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Amisom.

You might also like More from author