SAWIRO:Wararkii u dambeeyey weerar lagu qaaday Masjid ku yaalla New Zealand

Labo Masaajid oo ku yaalo magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand ayaa dablay hubaysan ay weerareen, ayadoo lagu jiro xiliga salaada Jimcaha. Inta wararka horudhca ay sheegayaan ayaa dhimashada ka dhigayso 6 qof iyo intaasi ka badan dad ah oo dhawacyo ay soo gaareen

Booliiska magaalada ayaa guud ahaanba magaalada Bandow kusoo rogay waxaan la xirey Schoolada. Dad badan ayaa dareemay cabsi la xariirta arinkan waxaana booliska iyo hayadaha amniga ay baaritaano ugu jiraan raggii dableyda ahaa ee falkaasi ka dambeyey.

Dadka weerarkaas ku dhintay ayaa wararka qaarkood waxa ay sheegayaan inay Soomaali ku jiraan,waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan Booliska Dalka New Zealand oo ay ku baadi goobayaan ruuxii weerarkaasi ka dambeeyey.

You might also like More from author