SAWIRO:-Wasiir Cawad oo kulan la qaatay Safiirka Uk ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Benjamin James Fender,.

Kulanka ayaa waxaa intii lagu guda-jiray waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda dadaalka weyn ee Xukuumadda Federaalka ee ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ah ka guul keenidda xasilinta dalka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

Dowladda UK ayaa waxaa ay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya,isla markaana ka caawiya dhinacyada,Amniga, Dhaqaalaha iyo maalgashiga.

You might also like More from author