SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray Baydhabo

Wufuudan ka kala Socday Wasaaradaha Cadaalada iyo maaliyada DFS Islamarkaasna uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Cadalada iyo Garsoorka Dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay

Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud Airport Waxa Wafdiga kusoo Dhoweyey xubno isugu jira Wasiiro xildhibaan mamulka gobolka baay oo uu Horkacayo Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Dowlad goboleedka Kgs Maxamed Xuseen Xasan John

Maxamed Xuseen Xasan John Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Somaliya ayaa ugu horeyn Warbaahinta la hadlay Waxaana uu soo dhoweyey Wafdigan manta  gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka baay

Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Dowlada federaalka somaliya Xasan Xuseen Xaaji Waxaana uu umahadceliyey Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Kg Soo dhoweynta ay usameeyey Waxaana uu Sheegey in maalmaha uu baydhabo joogo ay Wax ka Qaban doonan Arimaha Garsoorka iyo Cadaalada waxaana Sido kale Wasiirka uu Xusay in Baydhabo laga Dhisi Doono Saldhiga Dhexe ee Maxaabista

Intaas ka dib masuuliyiinta ayaa kormeerey Xarunta lagu dhisaayo Xabsiga waxayna indho indheeyey Suurtagalnimada in ay Qaadayso goobaha kala duwan ee loogu talagalay Xabsiga.

 

You might also like More from author