SAWIRO: Madaxweyne Erdogan oo malxiis ka ahaa arooska Ozil

Racep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga, ayaa malxiis ka ahaa arooska ciyaaryahanka kubadda cagta ee Jarmalka ah Mesut Ozil oo Jimcihii dhacay, waxaana baraha bulshadda qabsaday Sawirka Madaxweynaha Turkiga.

Mesut Ozil  oo waqtigaan 30 jir ah ayaa xafladda arooska uu kula aqal galay gabadhii u doonanayd oo mar noqotay haweenayda ku guulaystatay quruxda Turkiga oo lagu Magacaabo Amine Gulse, waxa uu ka dhacay huteel kuwa raaxada ah oo ku yaal marin biyoodka Bosphorus oo ah gacan kala qaybiya qaaradaha Yurub iyo Aasiya.

Lamaanahani waxay markii ugu horraysay is barteen sannadkii 2017-kii waxaanay bishii Juun ee 2018-kii shaaciyeen in ay isguursanayaan.

Ozil oo ayaa asal ahaan ka jeedda Turkiga ayaa tartankii Koobka Adduunka ee kal hore ka hor mar uu baahiyey sawirro uu la galahay Erdogan waxa ka dhashay carro xamaasad leh.

Ka dibna waxa uu iska casilay xulka qaranka isaga oo ku sababeeyey “cunsurinimo iyo ixtiraam darro” lagula kacay markii sawiradaa lagu baahiyey Jarmalka.

You might also like More from author