SAWIRO:-Maamulka G/Banaadir oo Gurigiisa ku wareejiyay Muwaadin Sharci darro looga heystay

Guddoomiyaha Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) iyo Taliyaha Booliska Qeybta Galbeed Gaashaanle Dhexe Yuusuf Hundubay Yuuda oo uu wehliyo Taliyaha Booliska Deg. Garasbaaley C/fataax Maxamed Xasan (Qoslaaye) ayaa maanta si wadajir ah gurigiisa ugu wareejiyay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xuseen Xaaji Maxamed.

Muwaadinkan oo gurigiisa ay u xukuntay Maxkamadaa Gobolka Banaadir ayaa waxaa si sharci daro ah ku heystay, islamarkaana ku dhistay Cali Maxamed Maxamuud (Cali Ciro).

Xuseen Xaaji Maxamed oo gacantiisa guriga uu ka maqnaa mudo dhan 4 sano iyo 6 Bilood ayaa sheegay in weligiisa uu ku rajo weynaa in cadaalad uu helo, wuxuuna u mahadceliyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, Taliska Booliska Qeybta Galbeed iyo Maamulka Garasbaaley.

Taliyaha Booliska Qeybta Galbeed Gaashaanle Dhexe Yuusuf Xundubey Yuuda ayaa sheegay inay u joogaan in cadaalad la helo, hadii aan cadaalad la helina aysan Soomaaliya gaareynin horumar.

Guddoomiyaha Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa uga digay dadka guryaha aysan laheyn degan ee ku yaalla Garasbaaley inay si deg deg ah ugu wareejiyaan dadkii guryaha lahaa.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmihii dambe dardar gelinayay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida sharci darada ah looga heysto guryahooda dib loogu wareejin lahaa.

You might also like More from author