SAWIRO: Banaanbaxyadda ka socda Kismaayo oo xoogeystay

Banaanbaxyadda ka socda magaalada Kismaayo ayaa xoogeystay Waxaana ay ku faafeen Xaafaddaha ay ka kooban tahay Magaalada dadka isku soo baxay ayaa  ka biyo diidsan  cunaqabataynta iyo xayiraadda diyaaradaha magaalada Kismaayo kaas oo ay dowladda Federaalka Soomalaiya ku soo rogtay deegaanada Jubbaland.

Dadka Shacabka ayaa sheegaya in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay go’doomisay gobol ka mid ah gobolada ay maamusho.

Shacabka Jubbaland oo maanta dhigay bannaan bixii ugu weynaa ayaa DFS ugu baaqay in ay isu soo dhawaansho ka shaqeyso balse aysan ka shaqeynin iska horkeenidda umadda Soomaaliyeed.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay mana jiro wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo magaalada ka jira.

 

You might also like More from author