Sarkaal shabaab ah Oo lagu Gowracay Dagmadda Wanlaweyn Ee sh/hoose

Meydka Sarkaal katirsan Alshabab oo saakay lasoo dhigay Aargada Degmada Wanlaweyn ee Shabeelaha Hoose

Sida ay ku waramayaan dadka Deegaanka waxaa saakay Aargada degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabellaha Hoose losoo dhigay Meydka Sarkaal sare oo katirsanaa Alshabab .

Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Gargaduud, islamarkaana meydkiisa oo gowracan lasoo dhigay Aargada degmada Wanlaweyn ayaa lagu dilay dagaal Ciidamada iskooda isku xilqaamay ee Macawiisleyda Shabeelaha Hoose iyo Alshabab ku dhexmaray Duleedka Deegaanka Yaaqbiriweyne ee degmada Wanlaweyn .

Sarkaan ay soo Bandhigeen meydkiisana Ciidamada Macawiisleyda ayaa waxa uu ahaa Madaxa Alshabab u qaabilsanaa, degmada Wanlaweyn iyo deegaanada ku geedaaman ,sida ay dadka deegaanka ku waramayaan.

You might also like More from author