Sarkaal katirsan Qaramada Midoobey oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan xalay ay ku dishay sarkaal katirsan Qaramada Midoobe.

Ninka la dilay ayaa ahaa madaxii ammaanka  Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobe ee ka howlgala Deegaanada Galmudug, waxaana la toogtay xili uu kasoo baxay Salaadii Cishaha.

Madaxii ammaanka Hay’adaha Qaramada Midoobe oo la oran jiray Maxamed Cabdi kheere oo ku magac dheeraa (Vimto) ayaa ku sugnaa Koofurta Gaalkacyo oo maamul ahaan hoos tagta Galmudug.

Ciidamada ka howlgala Gaalkacyo oo goobta dilka ka dhacay tagay ayaa sameeyay Baaris, waxaana la sheegayaa in ay baxsatay kooxdii dilka ka dambeysay.

Waa dilkii labaad oo Magaalada Gaalkacyo dhankeeda Koofureed ka dhaco inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, 12-kii May waxaa la toogtay Taliyihii Ciidanka Xasilinta Magaaladaasi.

You might also like More from author