Sargaal katirsanaa Ciidamada Asluubta oo lagu dilay Muqdisho

Koox hubeysan ayaa waxay habeenimadii xalay toogteen Sargaal katirsan ciidamada Asluubta iyadoo warar kala duwan soo baxayaan.

Bistoolado ayey wateen kooxda dilka fulisey waxaana ay ka baxsadeen goobta oo aheyd Xaafad ka mid ah Degmada Wadajir.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Aweys  Cumar Salaad Oo ka mid ah Saraakiil Xigeenada Ciidanka Alsuubta,iyadoo dilkiisa uu dhacay Afurkii kadib.

War kasoo baxay  Xafiiska Warfaafinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in baaritaano ay socdaan qaabka loo toogtay Aweys iyadoo aysan jirin cid sheegatay dilkiisa.

Al Shabaab ayaa inta badan weerarada nuucaan ah dhabarka urita oo sheegta balse weli dilkaan inay ka dambeeyeen ma aysan sheegin.

You might also like More from author