Saraakiishii Ahlu Sunna ee ku biiray dowladda dhexe oo sheegay in ay daacad u yihiin Sh.Shaakir

Saraakiishii iyo Ciidankii Maamulka AHlu Sunna ee dhawaan lagu biiriyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay u hoggaansamayaan Sheekh Shaakir.

Shir ay ku qabteen dhuusamareeb waxaa ay ku sheegeen in ay Dowladda dhexe uga fadhiyaan in ay fuliso heshiiskii ay la galeen Ahlu Sunna haddii kalena ay iyaguna dib uga fiirsanayaan ka mid ahaanshaha Ciidamada dowladda.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayey uga digeen in ay ka baxdo heshiiskii ay la gashay Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Mid ka mid ah Saraakiisha ayaa sheegay in aanay suuragaleyn in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya oo Maamulka Ahlu Sunna uga baxeysa heshiiskii ay wadagaleen.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayey sheegeen in ay sababtiisa ugu biireen Ciidamada dowladda haddii ay dowladda dhexe ballanka uga baxdo Ahlu Sunnana ay iyaguna isaga baxayaan dowladda Soomaaliya.

You might also like More from author