Saraakiil Al shabaab oo Maanta Muqdisho la keenayo

Howlgalo ay sameeyeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayay u suurta gashay inay guulo ka gaaraan dagaalo ka dhacay Gedo, sidoo kalena ay isa soo dhiibaan Saraakiil Al shabaab ka tirsan oo maanta Muqdisho la keenayo.

Cabdi Barre Cabdi gudoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Garbahaarey ayaa sheegay in ay jiraan saraakiil uu sheegay in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab oo isa soo dhiibay, waxa uuna intaa sii raaciyey in ay usoo gudbinayaan Dowladda federaalka maadaama uu sheegayo in ay iyadu leedahay go’aanka waxa laga yeelayo.

Gudoomiyihii Tuulada Ceel Guduud Max’ed Yuusuf ayuu sheegay in ay maanta suura gal tahay in Dowladda federaalka Soomaaliya ay usoo dhiibaan, si uu sheegay in loo mariyo waxyaabaha Dowladda kaga go’aansan arrinkaan inkastoo uusan sheegin.

You might also like More from author