Saraakiil Al shabaab ah oo lagu Duqeeyay Gobolka Shabellaha Hoose

Wararka ka imaanaya Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Gaari ay wateen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab Xalay lagu Dhuftay Gantaal ay soo ridday Diyaarad Nuuca Dagaalka ah,waxaana halkaas la sheegay in ay ku dhinteen Saraakiishii ka tirsaneyd Al-shabaab ee la Bartilmaameedsaday.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in Dhamaan la dilay Dadkii Saarnaa Gaariga ay la socdeen Xubnaha ka tirsan Al-shabaab,waxaana sidoo kale jira Khasaare soo gaaray Dad Shacab ah oo Goobta ka dhawaa.

Illaa Afar Qof oo Shacab ah ayaa Dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Daarul-Shifa Ee Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya.

Duqeyntaan ayaa imaaneysa Maalmo ka dib Markii Qaraxa lagu Hoobtay uu ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

You might also like More from author