Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo laga guddoomay Waraaqadaha Danjiranimo

Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sweden, Maxamed Xasan Cabdi, ayaa warqadihiisa Aqoonsiga danjirannimo ku wareejiyay maalintii khamiista aheyd ee (3 Febraayo) Boqorka Sweden, Boqor Carl XVI Gustaf, iyadoo loo maray dhanka Agaasimaha Habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, Danjire Maria Christina Lundqvist oo loo igmaday guddoomidda.

Danjire Maxamed Xasan Cabdi, ayaa carabaabay yididdiiladiisa inuu ka howlgalo Sweden, isagoo yiri “Sharaf weyn ayay ii tahay in aan warqadahayga aqoonsiga danjirannimo aniga oo ka wakiil ah Soomaaliya aan ku wareejiyo Boqorka Sweden”.

Danjire Maxamed Xasan waxa uu bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya kala dhexeeya Sweden oo uu ku tilmaamay mid wanaagsan, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal , lana ballaariyo iskaashiga si looga dhabeeyo dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh.

You might also like More from author