Safiirka Sacuudiga ee Kenya oo la Kulmay R/Wasaare Rooble.

Maxamed Xuseen Rooble Ayaa Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Dalka Kenya Mudane Khaalid Cabdalla Alsalmaan.

Kuulanka Labada Masuul ayaa ka Qabsoomay Xafiiska R/wasaare Rooble.

Safiir Khaalid Cabdalla Alsalmaan ayaa Soomaaliya keenay Deeq Mucaawino oo ay usoo wakiilatay Xarunta Gargaarka ee Boqor Salmaan sida lagu sheegay war qoraal ah oo laga soo saaray Xafiiska Reysal Wasaaraha.

Reysal Wassaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad Celiyey Dowlada Sacuudiga Deeqda ay usoo diren Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa Soomaaliya inta badan Keena Teero Mucaawino oo aan aad u buurneyn.

W/Q: MOHAMED YAHYE JINOW

You might also like More from author