Safiirka Mareykanka Ee Somalia Oo Maalmo Kadib Ka Hadlay Weerarkii Iyo Qaraxyadii Dhacay

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa maalmo kadib ka hadlay weerarkii ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baladweyne oo mid lagu dilay AUN Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi.

Safiirka oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in ujeeddada weerradan todobaadkii hore dhacay ay ahaayeen inay Soomaaliya kahor istaagaan dib u soo kabashada, xili dalka uu ku jiro marxalad doorasho ah.

Wuxuu sheegay Safiirka in weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Garoonka uu kusoo dhawaaday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, isla markaana aaga Safaaradda ay kusoo dhaceen hoobiyeyaal lasoo tuuray, sidoo kalena Shabaabka ay dadka tooganayeen inta uu socday weerarkii dhacay.

You might also like More from author