Safiirada Soomaaliya iyo Guinea oo kulan ku yeeshay Malaysia

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia Ambassador Abukar Abdi Osman ahna DEAN Safiirada dalalka Africa fadhigoodu uu yahay dalka Malaysia ayaa waxaa uu kulan la qaatay H.E. Amb Mohamed Lamine Conte Safiirka Safaaradda Guinea ee dalka Malaysia.

Labada Safiir ayaa waxaa ay ka wadahadleen xiriirkii qotada dheeraa ee u dhexeya Somalia iyo Guinea, kaalintii ay ka qaateen sidii loogu horumarin lahaa dalalka Africa xagga dhaqaalaha, bulshada iyo Siyaasadda iyo la dagaalanka argagixisadda.

“Waxaa maanta booqasho sharfeed ku yimid Safaaradda Somaliya ee dalka Malaysia H.E. Amb Mohamed Lamine Conte Safiirka Safaaradda Guinea ee dalka Malaysia.”ayuu Amb Abukar Abdi Osman.

Danjire Conde ee dalka Guinea oo waqtiga Xil hayntiisa Danjirenimo ee dalka Malaysia dhamaatay, wuxuu Mahadnaq ballaaran u jeediye Danjire Abukar Abdi Osman ahna Deanka dalalka Africa sidii walaaltinimo iyo saxiibtinimo ula shaqeeye intii uu gudanaayo waajibaadkiisa Danjirenimo.

You might also like More from author