Saddex Xildhibaan oo maanta lagu doortay Kismaayo

Waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu doortay saddex xildhibaan oo kamid noqon doona Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cadar Xareed Jibriil ayaa ku guuleystay kursiga HOP-132, ka dib markii ay tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo kursigaasi u sharraxneyd.

Kursiga labbaad oo tirsigiisu yahay HOP-092 ayaa waxaa ku guuleystay Saadaq Cabdullaahi Cabdi, ka dib markii uu tanaasulay musharixii kale oo lagu magacaabayay Cabdullaahi Ib raahim Aadan.

Kursiga saddexaad ee maanta lagu doortay Kismaayo oo tirsigiisu yahay HOP-23 ayaa waxaa ku guuleystay Nasro Mahdi Carraale, ka dib markii ay tanaasushay Sahra Cabdi Cilmi.

You might also like More from author