Sababta Qoor qoor ugu ambabaxayo Dhuuso mareeb Oo La Ogaaday

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa waxa uu maanta safar uyahay Magaalada Dhuuso mareeb.

Ilo wareed katirsan Xafiiska qoor qoor ayaa ku micneeyey in safarkiisa maanta uu salka ku hayo maadaama uu 40 cisho ka badan uu ka maqnaa deegaanka.

Dastuurka Galmudug ayaa dhigaya in Madaxweynaha uusan ka maqnaan Karin 45 cisho Deegaanada Maamulkaasi,ama uu qabanyo xeer xilka uu ku weyn karo.

Waxa uu Madaxweyne Qoor qoor la kulmi doonaa marka uu maanta gaaro caasimada dhuuso mareeb Madaxda Xilka sii heysay,si warbixino uga siiyaan howlaha iyo sida ay usocdaan.

Berri gelinka hore ayuu dib ugu soo laaban doonaa Muqdisho si uu uga qeyb noqdo Shirka Xal ka gaarista doorashada oo weli murankeedu taagan yahay.

You might also like More from author