R/wasaare Kheyre oo Maanta Booqanaya Dhaawacyada qaraxii Soobe ee la geeyay Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Keyrre oo Booqasho ku jooga Wadanka Turkiga ayaa Maanta booqanaya Dhaawacyadii la geeyay Isbitaalada Wadanka Turkiga ee ku dhaawacmay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho 14-kii Bishaan .

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo maanta Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdogan,waxaana ay ka wada hadli doonaan Arrimo badan oo ay kamid yihiin Ammaanka iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Socdaalka uu ku joogo Wadanka Turkiga waxaa lagu wadaa inuu berri soo afjaro islamarkaana uu Dalka dib ugu soo laabto sida uu Qorshuhu yahay.

You might also like More from author