R/wasaare Kheyre oo ka hadlay Wada hadalka u dhaxeeya Mukhtaar Roobow iyo Dowlada

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay Dowladda Federaalka iyo Sheekh Muqtaar Cali Roobow (Abuu Mansuur) in hada uu u socdo wada hadal, kadib markii dhowaan uu isku soo dhiibay Dowladda.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha dalka in Muqtaar Roobow ay Muqdisho keeneen Ciidamo Soomaaliyeed, oo aanay jirin Ciidamo cadaan ah oo ka shaqeeyay in Roobow uu Dowladda isku soo dhiibo.

Wuxuu sheegay Khayre marka uu soo idlaado wada hadlaka Roobow in Dowladda Soomaaliya ay ka faa’ideysan doonto khibarada uu u leeyahay arrimaha amniga iyo sidii looga qaadan lahaa fursada uu u leeyahay in dalka oo dhan amni laga dhigo.

Muqtaar Roobow Abuu Mansuur, oo 15-kii bishan lagu soo bandhigay Muqdisho ayaa si cad wuxuu u sheegay inuu ka baxay Ururka Al Shabaab, muddo laga joogo Shan Sano iyo Todobo bilood.

You might also like More from author