RW Rooble oo Xilka ka qaaday xubno ka tirsanaa Guddiga Doorashada FIET

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xubinimadii Guddiga Doorashooyinka FIET ka saaray laba Xunood oo uu ku eedeeyay in ay Carqaladeyn ku hayeen shaqada Guddiga.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaraha si dhow ula socdo carqaladeynta Jadwalka Doorashada ee Xubnahan ay ku dhaqaaqeen intii ay socotey Shahaado siinta Xildhibaanada cusub.

Hoos ka akhriso Qoraalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo gudanaya waajibaadka ka saaran dhammaystirka doorashooyinka dalku, markii uu arkay falalka la isku dayayo in lagu carqaladeeyo hirgelinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada.

Markuu arkay warqadda sumadeedu tahay GHDHF/104/03/2022 ee ka soo baxday Gudoomiyaha Guddiga FEIT kuna saabsan in xubno ka tirsan guddigu ku keceen falal ka baxsan anshaxa shaqada oo lagu hor istaagayo habsami u socodka shaqada guddiga, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu go’aamiyay;

Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray

You might also like More from author