RW Rooble oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+.

Kulan ayaa waxaa looga hadlay dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle iyo hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wakiillada beesha caalamka kala hadlay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

You might also like More from author