RW Rooble oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga Galmudug, La dagaallanka Al-shabaab , dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshada Galmudug.

Cali Ciid oo maalmahan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la yeelanayay Mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi oo ka tirsan Dowladda Federaalka

You might also like More from author