RW Rooble oo gaaray wadanka Imaaraadka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo kulamo kula leeyahay Madaxda ugu sarreysa wadankaasi.

Rooble ayaa inta uu joogo Magaalada Dubai waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Madaxda Imaaraadka Carabta oo uu ugu horreeyo Boqorka Wadankaasi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Kulamadaasi ayaa la filayaa in looga wada hadlo xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo dhowaan dib loo soo celiyay sida iskaashiga dhinacyada Amniga, iyo Siyaasadda.

Booqashada Ra’iisul wasaare Rooble iyo wefdigiisa ayaa ku soo aadaysa xilli dhowaan Xukumadda Soomaaliya ay soo celisay xiriirkii ay la laheyd Imaaraadka oo go’naa tan iyo 2018.

You might also like More from author