RW Rooble oo faray Taleyaasha Ciidamada iyo Saraakiisha AMISOM adkeynta Amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la yeeshay taliyeyaasha Ciidamada kala duwan, Saraakiisha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada AMISOM.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amnigu inay xoogga saaraan dardar gelin howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee guud ahaan gobollada dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa si gaar ah mas’uuliyiinta faray adkeyta Amniga Caasimada Muqdisho oo dhowaan lagu qabanayo doorashooyinka guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

You might also like More from author