RW Rooble “Hay’addaha Ammaanka waa in ay baaraan dilka Xildhibaan Aamino”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee caawa lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd Golaha Shacabka.

“Waxaan erayada ugu adag ku cambaareynayaa falkii argagixiso ee caawa lala beegsaday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Baladweyne. Waxaan murugada la qeybsanayaa ugana tacsiyeynayaa qoyskeedii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geerida Xildhibaan Aamina” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare Rooble Qoraal uu ku daabacay Boggisa Facebook.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa Hay’addaha Ammaanka faray in baaritaan lagu sameeyo dilka Xildhibaanada Aamino.

“Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay xildhibaanadda” ayuu yiri Rooble.

You might also like More from author