RW Kheyre oo sagootiyay Ciidamo fulinaya howlgal gaar ah

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan booqasho sagootin iyo dardaaran ah ugu tegay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay howl gallo gaar ah oo Al-Shabaab  lagula dagaalamayo.

Xasan Cali Khayre oo ciidamada uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay in Al-Shabaab  ay ka saaraan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada.

Ciidamada uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre sagootiyey ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha ee dagaalkaee Gobolada dalka Soomaaliya qaarkood,kuwaas oo dagaal xoogan  kula jira Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay booqashada dardaaranka iyo sagootinta ah isugu jirtay ee lagu dhiirri gelinayay ciidamada.

Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl gallada ka dhan ah Al-Shabaab  oo Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed ay ka fulinayaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka.

You might also like More from author